|
Wednesday, 21 April 2010 03:12 |
|

(lajiide news) Nin Oday ah oo Shalay ku geeriyoodey Magaalada Kismaay ee gobalka Juba hoose ayaa loo qaaday goobtii Janaasada lagula tukanayey, waxaa ka soo qeyb galay dadweyne badan oyo Culima'udiin badan, waxaase ka maqnaa Janaasada Wiil uu Odaygu dhalay oo Sheegay in Aabihiis ay kala Diin yihiin Maadaama uusan Alshabaab ka tirsaneyn aabihii.
Odeyga dhintey ayaa lagu magacaabi jirey Xassan Nuur, markii Aaskiisa loo dhaqaaqey ayaa waxaa loo yeerey wiil uu dhalay oo joogey Magaalada Kismaayo oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.
Wiilka oo lagu magacaabo Maxammed ayaa diidey in uu ka qayb-galo aaska iyo Janaasada Abbihiis Xassan Nuur, markii la waydiiyey sababta uu ugu qayb gali waayeyna wuxuu sheegey in uu aabbihiis iyo isagu aysan isku diin ahayn.
Wiilka ayaa aamisanaa in uu aabbihiis gaal ahaa maaddaama uusan ka tirsaneyn waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta Al-shabaab. Odeyga wiil kale oo uu dhalay oo wax laga waydiiyey yarkaan lala fajacay oo lagu magacaabo Maxammed, ayaa waxay sheegeen inuu horey cidda oo dhan u gooyey.
Abbihiis iyo hooyadiis oo soo koriyey waxna barey ayuu ula Arrin Cusub isagoo ku yiri "hooyo iyo aabbe islaama, haddana is-guursada, guurkiinnii hore xalaal ma ahayne", taas oo aad uga yaabisay Odeygii iyo Habartii iyo dhammaan carruurtii ay dhaleen.
Markii odeygii iyo hooyadii ay ka diideen ayuu wuxuu ku yiri “Beri ayaan idin ka ahay”, wuxuuna bilaabay in uu gebi ahaamba xiriirkii u jaro.
Arrintaan oo ugub ku ah dadka Reer Kismaayo ayaa waxay noqotey arrin lala yaabo, waxayna dadku la amakaagsan yihiin waxa xigi doona haddii taniba ay dhacday.
Xigasho:mustaqiim
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
www.lajiide.com
|