Shariif oo dalacsiiyay 87 sarkaal
Tuesday, 08 June 2010 05:17

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyey 87 sarkaal oo ka mid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha maanta la dalacsiiyay waxaa waxa u dhamaaday tabar sare oo ku saabsan hoggaaminta ciidanka.

Munaasabadda saraakiishaas lagu dalacsiiyey waxaa ka hadlay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Geelle Kaahiye isaga oo Madaxweynaha uga mahadnaqay ahmiyadda uu siinayo dhisidda Ciidamada Qalabka Sida.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu ciidankaas ku adkeeyey in waajibkooda ugu horreeya uu yahay in ay dalka ka saaraan amni darada isaga oo kula dardaarmay inay tusaale ku dayasho mudan u noqdaan cutubyada ay hoggaaminayaan