|

Kartida waa loo Dhashaa, Kaskana weynahaa baxsha, kalsoonidu waa hogaan Kaynaan baa Calankii sida,
Aduunka umadaha ku nool qolo weliba waxbay caan ku tahay oo lagu amaanaa Ama lagu dhaleeceeyaa ,
waxaa nasiib daro noqoto warbaahinta caalamka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka in soomaalidu ka noqotay Tuke baal cad oo wax xun maahine aan wax wanaagsan laga qorin mararka laga hadlayo dadka dhagaysanaayaa iyo kuwa fiirsanayaa way dhibsadaan waxa laga sheegayo.
Hadana waxaan marqaati ka nahay dadka waxaas samaynayaa inay yihiin 5% oo 95 % ay ka badqabaan dhinaca taageerada niyada iyo lakala safashada maahee ficil xun waxaa samaynayaa Waa wax yar.
Qormadaydan oo aan ugu talo galay inaan ku falanqeeyo kaalinta uu maanta taaganyahay wiilka soomaaliyeed ee la ahna Fanaanka dhalinyarada ah ee Kaynaan ayaa waxaan tusayaa bulshada soomaaliyeed marka hore in qof walba gaar ahaantiisa xil ka saaran yahay kor u qaadista magaca iyo muuqa iyo muunada umada soomaaliyeed.
Xalay ayaa waxaa warbaahinta iyo telefishinada caalamka laga soo daayay bandhig faneed Ay ka soo qayb galayaasha koobka aduunka ku soo bandhigayeen fanaaniintoodu heeso Iyo muuqaalka jiritaanka wadankooda iyaga iyo shacabkooduba.
Hadaba kaynaan oo ka mid ahaa faaniinta meeshaas ka soo qayb galay ayaa waxa arin lagu daydo Oo lagu baraarugo ah inuu soo qaatay Calanka umada soomaaliyeed , xitaa durbaanada loo garaacayay Uu ku shaqlay calanka umada soomaaliyeed isaguna uu gacanta ku hayay calankiisa isaga oo ku dhaadana .
(Sareeyoow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eegnee Kana siib kana saar)
(Qolaba calankeedu waa cayn Inaga keenu waa cirkoo kale Aan caadla lahayne caashaqay)
(Calankayagoow hooyaa Waad na caawisee )
Waa suugaantii abwaanadii hore ee wadaniyiinta ah ee dhaxalka ahayd ee uu nooga tageen waxaana ka dareemaysaa qiimaaha iyo wanaaga iyo muhiimada uu leeyahay calanku ama sumada umad lagu gartaa oo ka turjumaysaa waxaad tahay , hadaad dhulka dhigtona inaad dhulka taalo sida aan maanta nahay hadaad kor u qaadona inaad kor ahaanayso.
Manta waxaan dhamaanteen kor u sidnaa calanka qabiilka iyo jufada , raaska, bahda, qoyska, Ma jiro qof soomaliyeed oo subixii u toosa siduu wadankiisaa soomaaliya iyo umadiisa soomaaliya wax ugu qaban lahaa isaga oo aysan ku jirin ujeedo gaar ah ama dan isaga iyo reerkiisa ka badan. Waxaynu wada nahay , jago doon , macaash doon, xoolo doon, magac doo, maksab doon, madax doon, godob doon, aar doon, iwm Ma jiro qaran doon, wadan doon , calan doon, cisi doon, iwm
Waxaan umada soomaaliyeed ku boorinayaa inay ubadkoodaa ku barbaariyaan diinta islaamka iyo wadaniyada, halkay ku bilaabayaan , (yaa tahay ),( qolamaa tahay) inay ugu bedelaan inuu yahay soomaali qofka soomaaliyeedna yahay walalkiis si loo helo berito kumanaan leh qadiyada Mudane kaynaan warsame oo kale.
Waxaan dareemay yididiilo markaan arkay calankii umada soomaaliyeed oo caalamka oo dhan hor yaala iyo wiil soomaaliyeed oo kor u sida , waxaan ogaaday inaysan dhamaan rajadii wadankani Ee uu baahaan yahay 15% wadaniyiina oo naftooda iyo maalkooda dib ugu yagleela wadankii soomaaliya waxaan dhalinyarada soomaaliyeed kula talinayaa in nin walba xil ka saaran yahay Wax u qabashada umadiisaa iyo wadankiisa waxaan hadalkayga ku soo afjarayaa tixdan gaaban.
Kolkay badaha u baqooshay Kolay kala baaday badiba Kolkay kurbadiyo xanuunka Kadeedka badeen dadkeedu Kacdoonkiyo dhiiladiisa Kolkay saxariir ka qaaday Kolkay kallahaada badisay Kolkay kooraha dul saartay Ee ay keenaysay awrka Kolkay kala guurtay badiba Kolkay geediga bilowday Kolkay kanadiyo maraykan Kolkay yurub kooxi gaadhay
Kunbaa dhaqankooda diiday Kunbaa diintii kahdoodoo Kunbaa kasi waayay talada Kooxiba meelbay u baydhay
Kartida waa loo dhashaa Kaskana waynahaa baxsha Kalsoonidu waa hogaan Kaynaanbaa calankii sida Keligiis buu taagan yahay Kulan ay kuman malyuun Ku loolamayaan dadoow Waxuu kor u qaadayaa Kor dahab calankii ahaa Kuwii garabkiisa iyo Kaltanka la wadaagi laa Iyagaa iss kadeedadayooo Kurkay iska gooynayaan Kaaray isku weeraaraan Koox koox bay kala noqdeen Kursi bay wada doonayaan Kaskeedana ruux lehiba Kuligood kuma wada jiroo Kuus lacagay wada rabaan
Allow kaynaano badan Kun wiilo magaca sida Kitaabada kuwa qoriyo Kubada kuwa dheela iyo Kuwo orodyahanahiyo Kuwa hindisiinahoo Aduunka kusoo kordhiya Waxay keeneen iyagu Kor yeelana magaca iyo Kaalinteenii dadnimo
Kuwaan laga maarmi karin Kartiyo diin iyo aqoon Wadani kaafiya dadkaan Kariimoow adigu keen.
Waa Qalinkii iyo Hal-abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Source: dhacdo.com
Lajiide.com
Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|