|
Monday, 28 June 2010 16:36 |
Saraakiil kor u dhaafeysa 35 ayaa maanta lagu dalacsiiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya, iyadoona ay goob-joog ahaayeen munaasabadii lagu dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, taliya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Geelle Kaahiye iyo saraakiil kale. Ugu horeyn taliyaha ciidamada xoogga Gen. Kaahiye oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in raggan maanta la dalacsiiyay yihiin kuwo si gaar ah loo soo xulay islamarkaana looga fadhiyo in ay u adeegaan dalka iyo dadka kana difaacaan dalka cadowga kusoo duulay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Madaxwayne Sharif Sh Axmed oo isna goobta ka hadlay ayaa ciidamada la dalacsiiyay hadalo guubaabo u badan u jeediyay, waxaana uu kula dar-daarmay in ay si daacad ah u gutaan mas’uuliyadda saaran, maadaama dhibaatada dalka ka jirta ay aas-aas u tahay burburka ku yimid hay’adaha ammaanka. Wuxuu kaloo uu kula dar-daarmay in ay ka fogaadan wax kasta oo sumcad darro u keeni karta ciidamada sida qabyaaladda iyo wixii la mid ah. Wuxuu u sheegay in ay hortaalo howl adag islamarkaana lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagixisada kusoo duushay, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalada masuuliyiinta kadib ayaa waxaa saraakiishan lagu dhaariyay isla goobta. Horay ayaa waxaa loo dalacsiiyay saraakiil dhowr ah kuwaasoo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
www.lajiide.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|