Xiisado U Dhaxeeya Maamulka Galmudug & Hogaamiye kooxeed
Friday, 23 July 2010 10:05

image

Waxaa aad u soo kordhaaya xiisado u dhaxeeya Saraakiisha Maamulka Galmudug & Xubin ka tirsanaan jiray Golihii Aragagixiso la dirirka kaasoo degaanka ka soo jeeda, Xiisadahaani ayaa salka ku haya Maleeshiyaad uu dhowaanahani ku uruurinaayay Konfurta Magaalada Gaalkacyo Horjogahani ayaa horey loogu weeraray gudaha magaalada.

Madaxa amniga maamulka Galmudug, ayaa sheegay inaysan u dul qaadan doonin dhaq-dhaqaaq & abaabul Maleeshiyo oo uu magaalada ka wado Cabdi-shukri Cali Xersi, wuxuuna sheegay iney tallaabo adag ka qaadi doonaan, hadii uusan si deg deg ah u joojin abaabulka uu wado, isagoo intaasi raaciyay ina anay deegaanada Galmudug laga abaabulin karin isla markaasna aan dhoolatus laga  sameyn Karin wax aan ka ahayn ciidamada ammaanka maamulka Galmudug State.

Maamulka Galmudug ayaa ku baraarugay dhoolatus ay sameeyeen maleeshiyada taabacsan ninkaasi gudaha magaalada, waxeyna talaabadani cabsi xoogan ku abuurtay maamulka uu u qaatay in afgembi lagu sameynaayo maamulkooda, iyagoo heegan buuxa geliyay Xoogaga ammaanka, waxeyna intaasi raaciyeen iney diyaar u yihiin inay ka hortagaan haddii maleeshiyadaasi ay sameeyaan dhaq-dhaqaaq kale, waxeyna ku eedeeyeen Cabdi-shukri inuu doonaya inuu fowdo iyo qas ka abuuro deegaanada Galmudug.

Dhinaca kale Cabdi Cali Xirsi Cabdi-shukri oo ka hadlayay ujeedada ka dambeysa dhoolatuska ciidan oo ay shalay sameeyeen ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dhoolatuska sameeyay ay yihiin kuwii xoreyn lahaa qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin xoogagga Xisbul Islaam, wuxuuna intaasi ku jiray inuu yahay mas'uulka dhinaca siyaasadda u qaabilsan culimaa’udiinka Ahlu sunna ee gobolka Mudug, dhowaan ayeey aheyd markii Hoygiisa ay ku weerareen koox aan la aqoon Horjoogahani, oo aan la aqoon cidda maalgelineysa maleeshiyaadka & hub uruurinta uu jiro, warar aan la xaqiijin ayaa sheegay inuu xiriiro dhow la leeyahay Safaarada Mareykanka ee Kampala & Dowlada Yugandha.

Xiisadani ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxeysa iyadoo labada dhinac aysan ilaa hadda muujin iney diyaar u yihiin iney xaliyaan khilaadka u dhaxeeya, waxaana laga cabsi qabaa iney xiisadahani ay isku bedelaan gacan ka hadal u dhaxeeya labada dhinac.

www.lajiide.com

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it