| Ciidamada Nigeria ay u soo direyso Soomaaliya oo la shaaciyay. |
| Sunday, 25 July 2010 13:00 | |||
|
Ururka Mikdowa Afrika ayaa si rasmi ah u shaaciyay Tirada Ciidamada ay Dowladda Nigeria u soo direyso dalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Jean Ping oo Maalintii shalay Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda ayaa sheegay inay Dowladda Nigeria Ciidamo gaaraya 1-Bataliyan ay usoo direyso dalka Soomalaiya si ay uga qeyb qaataan Howl gallka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya. Mr. Ping Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa horay u sheegay inay Afar Dowladood oo ka tirsan Kuwa Midowga Afrika ay ka baaraan dagayaan sidii ay Ciidamo ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya, waxaana Dowladahaasi ka mid ahaa Nigeria oo ah Dowladda Sida rasmiga ah u iclaamisay tirada Ciidamada ay u soo direyso Soomalaiya, Ghana, Zambia iyo kuwo kale, iyadoo Dowladda Geni ay horay u iclaamisay inay 1-Bataliyan oo Ciidamadeeda ka mid ah ay u soo direyso Soomaaliya. Sidoo kale Dowladda Djibouti oo saaxiib gaar ah la ah Soomaaliya ayaa iyaduna qorsheyneysa in ay Ciidamo ka socda u soo dirto dalka Soomaaliya, si ay u garab istaagaan Dowladda KMG-ka Soomaaliya, isalamarkaasna ay gacan uga geystaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabad gelyo xumi ee ka jirta Soomaaliya. Shir madaxeedka Wadamada Midowga Afrika oo la filayo inuu maanta si rasmi ah uga bilowdo Dalka Uganda ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Xaaladda Cakiran ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo uu shirkaasi Soomalaiya uga qeyb galayo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomalaiya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayadoo ay jiraan Dowlado badan oo aaminsan in xaaladda Soomalaiya ay Qatar ku tahay Ammaanka guud ee Wadamada ku yaalla qaaraddani Afrika. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Purundi oo ka mid ah Dowladaha Ururka Midowga Afrika, kuwaas oo inta badan ilaaliya qeybo ka mid ah xarumaha Muhiimka ah ee ay maamusho Dowladda Soomalaiya. www.lajiide.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|




























