Madaxweyne Shariif oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
Saturday, 31 July 2010 18:05

 

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay safaro iyo shirar uga maqnaa dalka ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isagoo eedeyn u jeediyay Xarakada Al Shabaab.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka soo dagay gagida diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii madaxda Midowga Afrika ee ka dhacay Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa waxaa uu saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa uu soo hadal qaaday xaalada uu marayo dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya Shacabka Soomaaliyeed aysan helin dowlad ku soo celisa dalka nadaamkii iyo kala dambeyntii balse sida uu madaxweynuhu carabka u dhiftay hadda dowladda KMG ay diyaar u tahay wax ka qabashada dalka iyo samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhibaato uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka wadaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo uu tilmaamay in ay wakiil uga yihiin Soomaaliya Ururweynaha Al Qaacida.

Waxaa uu madaxweynuhu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Islaam sheeganaya oo wadamo badan oo kuyaala Caalmak dambiyo kala duwan ka soo galay ay qas iyo barakicin u geystaan umada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxa uu sheegay in dul qaadkii uu ka dhamaaday dowladda islamarkaana ay u soo jeesatay wax ka qabashada dalka Soomaaliya, isagoo xusay in wax ka qabashada dalka Soomaaliya ay iska kaashan doonaan golaha Barlamanka, Xukuumada kMG iyo beesha Caalamka taasi oo uu sheegay inay horsed u noqon doonto dhalinta nabad laga helo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo wafdi Baaaran oo uu hogaaminayay ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa ay ku sugnaayeen Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda iyagoo ka qeyb galay kulankii madaxweynayaasha Midowga afrika ee 27-kii bishaan ugu soo gab gaboobay dalka Uganda, kaasi oo waxyaabihii lagu go’aamiyay ay ugu weyneyd in ciidamo nabad ilaalineed oo horleh la keeno wadanka Soomaaliya.

www.lajiide.com

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it