Waxaad ka taqaan Af-Soomaaliga Cusub?
Wararka_Lajiide
Sunday, 03 January 2010 22:30

Dabcan bu burka dalka ka dhacay saameyn kala duwan ayuu reebay tasi oo si gaar ah ugu dahcday dhalkan yarada, iyadoo xitaa af Somaliguu uu saameyntasi qeyb ka nqoday.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa dhalan yarada la soo baxeen isticmaalka erayo ay sameeyeen taasi oo inta badan sarbeeb ku saleysan oo dadka waa weynka garan karin.

Hadaba qaar ka mid ah erayada ay ku soo kordhay af somaliga iyo micanaha rasmigha ee ay dhalinta ula jeedaan ayaan idin soo koobnay .

ERAYADA KU CUSUB AFKA SOMALIGA

Quudaan ku qabo-Gabartaan aan la qabin guurso ayay ula jeedaan.

Xabadaan waa weenka waaye.-waa gabar aan loo gali karin, af somali aan lagu mari karin oo caqli badan.

Iga wareeji-laba qof oo is fahmi waayay, aan kala wareegno .
Ga'a iga sii-isla eraygii hore ayuu u dhaw yahay, waa aan kala weecano maadaama la is fahmi waayay.

Ku tuxubsiibo-eraygaan waxa loo istucmaalaa qof dumar ah oo xoogaa yara weyn ama nin oday ah oo loola jeedo guurso.

Jilibka fur-soco meesha ka tag.

Fasax ayaa tahay- amaanka isii ayaa loola jedaa waan is fahmi weynay .
Sheeko baraleeyda iga daa- war aadan ku qancin oo kugu soconeyn.

Warka noo baandhee-aaan kala helno warka yaanan wax la isu hoos gilin .
Caadi iska dhig- xanaaqa iska daa xoogaa farxad muuji is daji.

Isku daboolka iga daa- qiyaanada iga daa, wax la isu qariyo.
Caadiyoos-waan iska fiicnahay ayay u dhigan tahay

Caadi ma aha-qof qurxoon dumar ama rag.

Quudaan qandac waaye- gabar miskiin aan hadal badneyn oo degan .
Waan ka qayliyey-qof aad la yaabtay.

Filineey bilaawday –is badel ayaa ku dhacay .

Way cuntame- wax waa lala wadaagi karaa oo muqal ahaan la qadan karaa.

Naf malaha- qof muqaal ahaan qurxooneyn nin ama dumar.

Iga daa afaarahaas-iga dhaaf arimaha labadaas qof ama arimahas iga daa.

Buskut waaye qoftaan-qof cayilan jir ahaan dhisan
Ha uqishin –war iigu saabsan ha u sheegin.

Holof holof ha iska dhigin – dabaal ha iska dhigin .

Badaa igu kacsan- wax ma haysto lacag la`aan

dhirtaa saranahay.-eraygii hore ayuu la mid yahay .

Aabaaw abaaw- wa eray la adegsado marka la arko wax lala yaabo oo afka lala qabsado.

Kadaaa ciyaarta- ha dhibin .

Ha u qishin inaan qarabto qofta-ha u sheegin gabarta in aan xaas ama gabar kale saaxib la ahay .

Qaraarka igaaray –waan macaansaday ,inta badan dadka qayila ayaa adegsada oo marka sunta qaadka gaarta isticmaala .

Waa ku heestaa –waan ka helay kama harayo .

Seeri b waaye- qof aan wax kala ogeyn .

Banooniga noo daji- xiisada daji an wadahadalno .

Sheeno waaye- waa arin fiican .

Liifaa saaran- isheyda ayaa ku jirta wan u kululahay .

Dey gaariga,- bax ka tag meesha .

Iga baandheey- iga qaleey meeshaan ayaan howl gaar ah ku haystaa .

Waa iigu jirtaa- lacag ayaan haystaa.

Bagdhi waaye-waa doqon .

Adeerka weyn- nin xooga leh oo laga baqo dadka dhaca .

Waa qarax- waa laba qarax- alaab aan la hayn.

Qaam raam- lacagta kunka shilan iyo tan shanta boqol ayaa loo adeegsadaa.

Waa la fiiqday- waa la dhacay ama la boobay

waraa iib ah- sheeko fiican ayaan ku hayaa

soo galooti- qof ku cusub magaalo .

Ugaaska ka deg- dhibka ka daa .

Jihaad baan ku jiraa- quraac raadis ayaan ahay ayay u dhigeen.

Macallinka weyn- nin laal yaabo hab dhaqankiisa ayaa loo adeegsadaa.
Neefka weyn- nin doqon ah.

Adeer baa tahay- wad iga weyn tahay .

Tacsiyeynta iga daa- qof dayn lagu leeyahay ama shaxaad laga rabo oo been shegaya ama doonayo in mar kalein loo soo laabto doonaya ayaa loo adeegsadaa eraygaasi.

Qolof ha ii dhigin- ha igu soo daahin in aad meel i isdaajiso .
Roobkaa looga dhigay- nin ama gabar shukaansi dhex maray oo midkooda lagu yiri kaama helin .

Lambarkaan cusub yaawaaye-qof ku cusub xaafada ama magaalada ayaa loo adeegsada oo aan horay loo arki jirin .

Qaam raam ila gal-xarash iyo madax ila galay.
Wuu dhaanteeyey- nin fiicnaa oo mar arin ka xumaatay qald ka dhacay.
Ka fagaarey- ka carar meesha .

Tabeelle ayaa laga dhigay,- meel ayaa la is daajiyay mana loo imaan .
Atoore baadiye- nin magaalo ku cusub oo indho adeeg dadka ula qabsaday ayaa loo adeegsadaa .

Waan taabsaday- alaab meel tiilay oo qof ku soo hormay , marna waxa lo adeegsada qof xoog lagu haysto wax looga qaato.

Xalaan jabay,- xalay ayaan qayilayay , jad cunayay.

Ciyaal buufis ma kaqaylisay- ma ka yabatay

Ma jirtid, iga booti – ma qorxoonid ee i dhaaf .

Xafadan yaa ka taqana – qof ad xariir ama saaxibo tihiin miya inta joogaa , waxaa la isticmalaa marka koox dhalan yaro meel wada joogto oo mid kale u yimaado oo aysan doneyn in uu wax ka ogaado sheekada .

Google waaye kan – mid wax waliba og .

Faaqay baratay ,- waa ay xanaaqeysaa mar waliba.

Faxdaan ma jirtaa –midaan ka waran ma qurxoon tahay .

Farahaada lakeynay- qof dambi galay oo cadeymo laga hayo.

Marax ayaa tahay -qof aan jirin wax kala ogeyn .

Baadiil ha i idhiibin –been ha ii sheegin meel aysan wax ka jirin ha ii dirin .

Xariifwaaye – nin qatar waaye caqli badan.
Ha igu mashquulin- arimaheyga iska daa
Iga hoos bax –iga qalee

Wa iga dhacsan tahay – wa iga jajaban tahay.

Wadankani maxaa ka jira –maxaa cusub

Beerta ayuu galay- nin fiicna wadaad ahaa oo daroogo bartay , ama in lacag haysatay oo faqir noqday.

Waa ka dansan tahay –wax ma haysto.

WQ: Cisman Fantastic